DEG DEG:Madaxweynaha ugu jecel Soomaalida oo dilkii ugu xumaa loo qorsheeyey & kooxihii dili lahaa oo hada…..

­Ciidamada dowladda Giriiga ayaa gacanta ku dhigay Koox isku diyaarinaysay in ay toogasho ku dilaan Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan intii uu ku sugnaa Giriiga.

Warbixin lagu daabacay Wargeyska To Vima ee dalkaasi kasoo baxa ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxdan ay ahaayen shabakad loo diyaariyey in ay dilaan Erdogan.

Kooxdan dilka qorshaynaysay ayaa la sheegay in tirro ahaan ay ka koobnaayeen 9 qof isla markaasna ay ka tirsanaayeen Xisbiga Kacaanka ee magaciisa loo soo gaabiyay DHKP­C.

Kooxdan ayaa dilka Erdogan u adeegsan lahaa sida uu qoray Wargeyska To Vima hubka noocyada culus sida Basuukayaal, Bam gacmeedyo iyo Hub kale oo awood leh.

Kooxdan ayaa la xaqiijiyay in weerarka ay ka gaysan lahaayeen laba dhinac oo ay kaga qaadi lahaayeen gaadiid galbinaysay Erdogan.

Sarkaal u hadlay ciidamada amaanka Giriiga ayaa sheegay in iminka ay ku howlan yihiin qorshaha lagu soo qaban lahaa Hubka loo isticmaali lahaa weerarka ka dhanka ah Erdogan.
Dhinaca kale Kooxdan weerarka qorshaynaysay dilka ayaa kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaana loo adeegsan jiray fulinta weerarada qorshaysan.

Post Comment