DEG DEG:Wasiiro xabsiga la dhigay & Dowladda oo ku xukuntay Sanado badan kadib markii……

Hubert Oulaye oo horay dowladda Ivory Coast wasiir uga soo noqday ayaa waxaa lagu xukumay 20 sanno oo xarig kaddib markii lagu helay inuu ku lug lahaa dilka 18 qof sanadku markuu ahaa 2012 kuwaas oo ay kamid ahaayeen 7 qof oo kamid ahaa nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay.

Mr Oulaye ayaa waxa uu wasiirka howlaha guud u ahaa madaxweynihii hore ee waddankaasi Laurent Gbagbo, waxaana go’aankan ay gaartay maxkamad ku taalla magaalada Abidjan ku tilmaamay in ay tahay xukun siyaasadeed oo aanan caddeyn loo hayn.

Xeer Ilaaliyaha guud ee waddanka Ivory Coast Mireille Kouassi ayaa sheegtay in Hubert Oulaye uu maalgeliyay si kacdoon looga sameeyo galbeedka waddanka.

Waxa ay ku baaqay in xabsi daa’in madaxa loo galiyo Mr Oulaye iyo ninka la eedaysan ee lagu magacaabo Maurice Djire waxa ayna sheegtay in qofka ka dambeeya weerrarka uu mararka qaar ka khatar badan yahay kan soo abuubula.

Qareennada Mr Oulaye ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonan xukunkaasi.

Weerarka la qaaday bishii June ee 2012-kii ayaa dhacay xilli Ivory Coast ay iskudayaysay inay kasoo kabsato qul qulatooyinkii xigay doorashadii madaxtinimada ee 2010 markaas oo madaxweynihii xilka markaa hayay uu diiday in uu aqbalo in doorashada uu kaga adkaaday hogaamiyaha Ivory Coast ee xilligan Alassane Ouattara.

Post Comment