DEG-DEG: DAAWO: Soomaaliland oo saacadaha socda sheegtay inay qabsanayso magaaladii labaad oo Puntland ah iyo madaxweyne Farmaajo oo si degdeg ah………..

 

Maamulka Soomaaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa dulkeenay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo kamid ah meelaha laga dareemayo dhaqdhaqaaqyada ciidan.

Warbaahinta Somaliland ayaa wareysi la yeelatay saraakiisha Somaliland ee ku sugan gobolka Sanaag, kuwaas oo sheegay in ciidankoodu isku fidiyeen agagaarka Badhan iyo degaanada hoos yimaada, waxaana laga yaabaa inay si lamid ah Tukaraq ula wareegaan Badhan oo idil.

Qorshaha Somaliland ayaa ah inay qabsadaan meel kasta oo ay sheegtaan oo kamid ah dhulka Puntland, waxaana qorshahaan wada dajiyay Muuse Biixi, guddoomiyaha barlamaanka Somaliland iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag.

Qabshada Somaliland ay qabsatay degmada Tukaraq waxay ka dhigan tahay inay gacanta ku dhigeen dhammaan degmooyinka gobolka Sool, tilaabada xigtana waa inay si buuxda ula wareehtp degmooyinka kuyaala Sanaag Bari, sida Dhahar, Badhan, Xingalool iyo Ceelbuh, si ay u xaqiijiso inay si buuxda gacanta ugu hayso labadaas gobol ee Sool iyo Sanaag.

Dhinaca Puntland ayaa moodaa inaanu weli ku baraarugsanayn halista uga imaan karta Soomaaliland abaabulka ay wado, inkastoo ay dowladdu ku mahsquulsan tahay soo dhowaynta madaxweynaha Soomaaliya.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

Post Comment