DEG DEG:Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo & Bulshada Gobolka Mudug oo u kala qaybsan…..

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo waftigiisa ayaa xalay ku baryey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyaga oo halkaasi kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan kana sheegaystay baahidooda galabta lagu wadaa in uu u kicitimo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo uga sii gudbi doono Dhuusa-mareeb iyo deegaano kale.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ay kamid tahay goobaha ay dagaalada sokeeye uga dhacaan sida joogtada ah, waxaana la filayaa in Farmaajo uu la kulmo odoyaasha iyo bulshada labada dhinac.

Safarkan oo loogu magac-daray “Safarka Nabadda” waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha isku soo maro tan iyo markii la doortay February 8 ee sanadkii hore 2017.

Wariyaasha la socda waftiga madaxweynaha ayaa waxa ay soo sheegayaan in safarkii dhulka ahaa ee Garoowe illaa Boosaaso ay ku arkeen sida dadka tuulooyinka jooga ugu farxeen aragtida madaxweynaha.

 

Post Comment