DEG DEG:Wasiiradii ugu saamaynta weynaa Dowladda oo hada is casilaya & RW Xasan Khayre oo Qorshihiisa……

Xog hoose oo ay heshay Puntlandnews.net ayaa sheegeysa in wasiir ka tirsan xukuumadda Xasan Cali Kheyre is casili doono maalmaha soo aadan.

Ilo wareedyo ku dhow wasiirka Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa inoo sheegay in wasiirka uu doonayo in shaqadaasi iska casilo.

Sababta wasiirka isku casilayo ayaa naloogu sheegay iney tahay markii uu ogaaday in shaqsiga xiga ee Khayre shaqada ka eryi doono inuu isaga yahay.

Islow ayaa laga yaabaa inuu is casilo marka la magacabo taliyeyaasha Booliiska iyo NISA, waxaana laga yaabaa in is casilaaddiisa kasoo hormarto magacaabistooda.

Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr wasiir shaqada ka ceyriyey muddo Sanad gudahooda ah, kadib markii uu ku eedeeyay shaqo xumo.

 

Post Comment