XOG:Dowladda Farmaajo oo xeelad cusub kusoo Xera galisay Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Hawiye & Habar Gidir oo…..

Dowladda uu hoggaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku guuleysatay iney kala jarto siyaasiyiinta beelaha Habargidir iyo Abgaal, islamarkaana meesha ka saaraan hammigii ahaa in dowladda la dabagediyo.

Xog ay heshay Puntlandnews.net ayaa sheegeysa in DFS ay ku guuleysatay iney kasbato dhammaan siyaasiyiinta beesha Abgaal.

Siyaasiyiintan ayaa naloo sheegay in lagu kasbaday qaab cajiib ah oo aan la fileyn, waxaana ay dowladda usoo bandhigtay qorshe ay ugu sheegtay in dalka lagu dhisayo, iyagana aanay qeyb ka noqon duminta dalkaan.

Sidoo kale DFS ayaa usoo dirtay siyaasiyiinta culimada iyo waxgaradka Beesha Abgaal, waxaana loo sheegay iney duco qaataan oo aanay dowladda kahor imaan.

Siyaasiyiinta dhanka mucaaradka ugu cad caddaa beesha Abgaal ayaa hadda waxay noqdeen garbaha ay ka duusho DFS.

Post Comment