Daawo Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo ka yaabsaday Shacabka Magaalada Boosaaso & Xarumaha Ganacsiga oo…..

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka dukaameystay mid ka mid ah carwooyinka waaweyn ee ku yaal magaalada Boosaaso xili uu kormeerayay goobaha ganacsi iyo horumarka magaaladaasi ka jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dadweyne aad u tira badan ay kusoo xoomeen xili uu sii gelayay carwada uu ka dukaameystay iyo goob loo nasasho iyo dalxiis tago kuna taal bartamaha magaalada Boosaaso.
Dhanka kale, Mr. Farmaajo ayaa daah furay adeeg casri ah oo shirkadda Golis ay ka hirgelisay Puntland, kaasoo ah adeega Internet-ka xawaarahiisa sareeyo ee Fiber Optic ee dhulka hoostiisa soo mara.
“Farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala soo qeyb galo maalgashigan aad ku sameyseen dalkeenna. Waxaa xaqiiqo ah in adeegyadan iyo horumarkan ay ka tarjumayaan dadaalka iyo hor u socdka ganacsatada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

Post Comment