DEG-DEG: DAAWO: Alshabab iyo beesha Abgaal oo heshiis adag kala saxiixday iyo socdaalka Farmaajo ee Galgaduud oo halis ku jira…

DEG-DEG: DAAWO: Alshabab iyo beesha Abgaal oo heshiis adag kala saxiixday iyo socdaalka Farmaajo ee Galgaduud oo halis ku jira…

Shir Ballaaran oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan maleyshiyada Alshabab, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beesha Abgaal ayaa lagusoo gaba gabeeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

 

Kulanka oo ay soo agaasintay kooxda Al Shabaab ayaa diiradda lagu saarayay kaalinta Beesha Abgaal Cusmaan ay ku leedahay dagaalka Alshabab ka wadaan  Soomaaliya ee lagula jiro dowladda Soomaaliya iyo iyo ciidamada shisheeye ee taageera.

Mas’uuliyiin Katirsan Alshabab ayaa sheegay inay beesha Abgaal taageero siinayso Alshabaab.

 

Imaamka Beesha Abgaal Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo kamid ah waxgaradkii beesha ee kulanka ka qeyb galay ayaa wuxuu ku sheegay in Abgaal ay kooxda Alshabab la gashay Ballan adag oo ah ka qeyb galka dagaalka ay ku tilmaameen Jihaadka ah waa sida ay jihaadka u yaqaanii. Wuxuu dhalinyarada beesha ugu baaqay in ay sare uqaadaan tababarrada iyo barashada cilmiga sharciga ah.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Munaasabada.

 












Post Comment