DEG DEG:Culimada Puntland oo war adag kaga dhawaaqay Magaalada Garoowe & Jihaad culus oo la iclaamiyey + Somaliland…

Culimada Puntland ayaa gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga dhawaaqay warkii ugu adkaa kadib markii Qodbadihii Jimcaha ee shalay Masaajidada Garoowe culimadu kaga hadleen duulaanka ciidamada maamulka Somaliland.
Culimada ayaa ku dhawaaqay in dagaal is difaac ah lagu qaado ciidamada Somaliland ee kusoo wajahan caasimada Garoowe, waxaana culimadu shacabka reer Puntland ku wargaliyeen in shacabku ay eeganayeen duulaanka Somaliland tan iyo intii la qabsanayey magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool maantana ay marayaan in Garoowe duulaan kasoo qaadaan.

Culimada Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in gacanta loola tago ciidamada maamulka Somaliland ee kasoo duulay deegaanada Hargaysa iyo Burco, waana markii ugu horaysay oo culimada Puntland ay ku dhawaqaan jihaad ka dhan ah Somaliland.

Wararka Warsidaha Puntlandnews.net – Garoowe

Post Comment