DEG DEG:Madaxweyne Farmaajo oo hada gaaray magaalada Gaalkacyo & Xaalada…

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso oo labadii maalin ee la soo dhaafay uu ku sugnaa isagoo hore u soo maray deegaano iyo degmooyin u dhaxeeyo Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Si weyn ayaa magaalada Gaalkacyo loogu soo dhoweeyay madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisa, waxaana shacab badan ay uga hortageen banaanka magaalada.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu la hadlo Waxgaradka, Mas’uuliyiinta iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Gaalkacyo, wuxuuna uga sii gudbi doonaa magaalooyin kale oo ka tirsan Galmudug.

 

Post Comment