DEG DEG:Puntland oo dagaalkii ugu cuslaa ku qaadaysa Magaalada Laascaanood & Wasiiradii ugu badnaa oo ku sugan gudaha…..

Wararka Warsidaha Puntlandnews.net uu haatan ka helayo jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay maanta diyaar garow xoogan ku jiraan isla markaasna la galiyey heegan culus.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaa in ciidamo gaar ah ay hawlgalo khaasa ka fulin doonaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xili ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Laascaanood wasiiradii ugu badnaa ee maamulka Somaliland.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa haatan ku sugan tiro wasiiro ah kuwaas oo xilal kala duwan ka haya maamulka Somaliland, waxaana dowladda Puntland ay xiligani qorshaysay in ay bilowdo weeraro bartilmaameed ah iyo hawlgalo deg deg ah oo ay fulinayaan ciidamo ka tirsan Puntland.

Jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ayaa waxaa kusii qul qulaya ciidamadii ugu badnaa ee labada dhinac, waxaana sidoo kale deegaankaasi booqashooyin kala duwan ku tagaya wasiiro, madax iyo saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland si mid walbaaba dhankiisa sii xoojinayo ciidamadiisa in aanan looga adkaan dagaalka.

Wararka Warsidaha Puntlandnews.net – Gaalkacyo

Post Comment