WAR DEG DEG AH + Daawo:Diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo Magaalo Puntland ah dul hadheeyey & Madaxweyne Farmaajo oo…..

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dagay madaarka Gaalkacyo, Sawaxanka Farxada iyo laan-qaboobida Shacabka Gaalkacyo ayaa kaliftay in jidadka oo dhan ay xirmaan.

Kolonyada Madaxweynaha ayaa wadooyinka oo dhan ku xirmeen, Madaxweyne Farmaajana wuxuu dareemayaa farxada ay  u qabaan Shacabkiisa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Gas ayaa lugeynaya gudaha Gaalkacyo, shacabka oo dhan ayaa kusoo xoomay, waxayna u muuqdaan kuwa ciidamadu ay dadweynaha faraxsani ka awood bateen.

Diyaaradaha ciidamada Cirka ee Puntland ayaa sheeda sare kala socda wafdiga Madaxweynaha iyo Ammaanka oo dhan, waxaana la sugayaa si adag amniga magaalada Gaalkacyo.

Madaxdu waxay tagi doonaan barxada magaalada Gaalkacyo, waxay jeedin doonaan khudbado ay ka sugayaan Shacabka gobalka Mudug, taas oo ka dhigan farxad iyo guul.

Post Comment