DEG-DEG: DAAWO: Muuse Biixi iyo ciidankiisii oo soo gaaray Tukaraq kuna dhowaaqay warkii ugu cuslaa iyo magaalada Garowe oo caawa.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday xarumaha ciidanka Somaliland ee gobolka Sool, xilli ay taagan tahay xiisad colaadeed oo udhaxays Puntland iyo Somaliland.

Ciidanka uu booqday oo ah ciidanka Dhulbahante ee Somaliland ayaa Muuse Biixi iyo saraakiil kale oo la hadashay waxay ku baraarujiyeen inay la dagaalamaan cadowga Somaliland (Puntland), iyagoo sheegay inay hiil iyo hoo la garab istaagnaandoonaan.

Waxaa Puntlandnews wararka ay helayso ay sheegayaan in Somaliland ay Saad dagaal iyo Saad cuntaba u keentay ciidanka ku sugan furimaha dagaaalka ee Tukaraq, waxaana si weyn u xoojisay ciidankeeda ku sugan gobolka Sool, kadib markii ay aqbaar ka heshay abaabulka ka socda Puntland.

 

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay maalmaha soo socda xorayndoonto gobolka Sool.

 

 

Post Comment