DEG DEG:Dowladda Imaaraadka oo qayb ka ah duulaanka lagu soo qaaday Puntland & balanqaad adag oo ay samaysay Somaliland haddii Garowe……..

DEG-DEG:- Dowladda Imaaraatka oo qeyb ka ah duulaanka lagusoo qaaday Puntland iyo ballanqaad adag oo ay sameysay Somaliland haddii Garo

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay imaaratka carabta ayaa u balan qaaday Somaliland inuu noqon doono wadanka ugu horeeya ee aqoonsi siiya, waxaa la aaminsan yahay balan qaadka Somaliland ka heshay imaaratka inuu sabab u yahay weerarka ay ku soo qaadaan ciidamada Somaliland deegaano nabad ah oo ka tirsan Puntland si ay u tagaan xuduudaha ay sheegato Somaliland.

 

Waxa ay u egtahay, qorshihii ahaa qaybi oo xukun ee imaaratku ka waday gobolada koonfurta inuu usoo wareejiyay dhinaca gobolada waqooyi iyo bari, isagoo raba inuu colaad ka dhex abuuro dadka soomaaliyeed.

 

Imaaratka & Somaliland, waxyaabaha kale oo ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in masuuliyada dagaalka lagu eedeeyo oo dusha laga saaro dowlada soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 

Waxana heshiiskaas cadeyn u ah hadalkii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo durba bilaabay inuu Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyo colaada ka taagan deegaanka.

  •  

Post Comment