DEG-DEG: Feysal Cali Waraabe oo war aan laga filayn kasoo saaray dilkii wiilkiisii Daacishta ahaa.

DEG-DEG: Feysal Cali Waraabe oo war aan laga filayn kasoo saaray dilkii wiilkiisii Daacishta ahaa.

Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlaayay dilka wiilkiisa Xuseen oo duqayn diyaaraddeed lagu dilay dalka Suuriya ayaa yidhi; “Xaaskiisa oo la joogtay ayaa soo sheegtay oo labo carruur ah ku dhashay meesha uu joogay markaa shaley ayey cod u soo dirtay hooyadii iyadoo leh 29-kii bishii hore ayuu dhintay.

Geeridu waa xaq isagoo is lahaa wanaag baad waddaa oo diinta kor u qaad buu dhintay oo kelimatu Allaah ayuu is lahaa kor u qaad waxaan ka baryayaa inuu ilaahay meeqaam fiican galiyo oo uu noo shafeeco qaado, dadka ii soo tacsiyadeeyayna aad bay u mahadsan yihiin.”

Post Comment