DEG DEG:(Daawo)Dagaalkii Tukaraq oo sii xoogaystay & Wasiirada Puntland oo hubka soo gurtay “Duulaanka Hargeysa yeeli mayno ilaa Magaalada Caynaba baanu qabsan”

Wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Xasan (Soocadde) ayaa duulaan ku qabiil ku tilmaamay qabshadii degmada Tukaraq oo ay qabsadeen ciidamo maamulka Somaliland ka amar qaata.
Ex-Wasiir Soocadde ayaa sheegay maanta in la joogo wakhtigii loo diyaar garoobi lahaa difaaca iyo xoraynta gobolka Sool iyo meel kasta oo maamulka Somaliland kaga sugan yahay xuduudaha Puntland, wuxuuna sheegay dowladda Puntland iyo shacabkeedu inuu kasoo dhamaaday dulqaadkii iyo tixgalintii ay ugu jirtay inaanu daadan dhiig Soomaaliyeed, balse haatan wuxuu cadeeyay inay sheekadaasi soo dhamaatay oo Puntland waajib ku tahay inay dhulkeeda ka difaacato duulaanka Hargeysa laga soo abaabulay.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee warfaafinta Puntand Soocadde ayaa soo dhoweeyay kaalinta Puntland iyo shacabkeedu ka ciyaareen soo dhoweynta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay muujinayso sida Puntland ugu taagan tahay midnimada ummadda Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARAYSIGA

 

Post Comment