DEG DEG:Somaliland oo la wareegtay mid kamid ah ilihii dhaqaalaha ugu weynaa Puntland & Cuno qabatayn lagu soo rogay Garoowe……

Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Somaliland ayaa xafiis ka furatay Magaalada Tukaraq oo todobaadkii hore Ciidamada Somaliland ay kala wareegeen kuwa Maamulka Puntland.

Saraakiil ka socda Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Somaliland ayaa gaaray tuulada Tukaraq waxaana ay alkaas ka hirgeliyeen xafiirka Canshuuraha ee Kastamka Magaalada Tukaraq halkaas oo wasaaraddu ay ku qaadi doonto canshuurta.

Isku duwaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee Gobolka Sool oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda gaar ahaan laanteeda Gobolka Sool ay halkaas ka billaabeyso canshuur qaadista islamarkaana Somaliland ay meel ka mid ah dhulkeedii tagtay oo ay howlihii adeegyada shacabka ka qabaneyso.

Qabshada iyo la wareegida Kastamka Tukaraq ayaa waxay cuno qabatayn dhaqaale ku ahaandoontaa caasimadda Puntland, taasoo todobaad walba kumanaan dollar ugasoo xaroon jirtay kastamka Tukaraq.

Post Comment