WAR DEG DEG AH:Cabsidii ugu waynayd oo caawo soo food saartay Ciidamada Somaliland ee Tukaraq qabsaday kadib markii xaaladu…

War deg deg ah Cabsidii ugu Waynayd ayaa soo food saartay Ciidanka Somaliland ee Tukaraq qabsaday, Waxaana Maanta gadooday oo isku Dayey inay Furinta Baneeyaan Ciidanka Beesha Habaryoonis iyagoo Ku Andacoonaya Haday Halkaan Ku Dhintaan inay Xaqdaro Ku Dhinteen.
Ciidamada difaaca Puntland Harti ayaa lagu Soo Daad Guraynayaa Tuulooyinka Fallidhiyaale, Godqaboobe iyo Buundada Kun Jeer Anaa Ku Jecel, Waxaana laga Daad Gureeyay Dadkii Ka Agdhawaa Deegaanadaasi ee Reer Guuraaga ahaa.
Ciidamadii ugu badnaa oo ku Gaashaaman Hubka Noocyadiisa Kala Duwan ayaa Galabt aoo u Danbeysay Soo Gaaray Jiida Hore ee ay Fadhiyaan Ciidamada Puntland.
Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland oo Maanta Shir jaraa’id ku Qabtay Magaalada Garoowe ayaa Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Maamulka Somaliland oo dhowaan Qabsatay Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Post Comment