Friday 20 April, 2018

Cristiano Ronaldo Oo Xawli Ku Socda Haatana Ka Mid Noqday Xiddigaha U Tartamaya Gool Dhalinta Yurub, Imisa Dhibcood Ayuu Leeyahay

Tartanka Loogu jiro gool dhalinta yurub ayuu ku dhacay is badal weyn kadib markii xiddigaha Mohamed salah iyo Mauro Icardi dhaliyeen min 4 gool iyo Lionel Messi oo dhaliyay hal gool.

Waxa hogaaminaya gool dhalinta xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah kaas oo leh 28 gool halka uu Lionel Messi oo ku xiga 3 gool ka dambeeyo salah xiddigaha  Edinson Cavani, Harry Kane & Ciro Immobile ayaa iyagu wali fadhiya 24 gool xilli Ciro Immobile goordhaw ciyaari doono.

Xiddiga Kooxda Real Madrid ayaa si xawli ah ku soo galay tartanka loogu jiro gool dhalinta yurub isaga oo haatan yeeshay 44 dhibcood kadib 4-tii goo lee uu xalay ka dhaliyay kooxda Girona.

Qaab ciyaareedkii Icardi ee kulankii Sampdoria ayaa iska dhex muujiyay tartanka halka xiddigaha Robert Lewandowski Iyo Jonas ay sidoo kale ku jiraa 10-ka xiddig ee ugu goolasha badan yurub.

Halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka Xiddig ee u taramaya gool dhalinta Yurub goolasha ay leeyihiin iyo dhibcaha ay leeyihiin:

  1. Mohamed Salah (Liverpool): 56 points (28 goals)
  2. Leo Messi (FC Barcelona): 50 Dhibic (25 gool)
  3. Harry Kane (Tottenham): 48  dhibic (24 gool)
  4. Edinson Cavani (PSG): 48 dhibic  (24 gool)
  5. Immobile (Lazio): 48  dhibic  (24 gool)
  6. Jonas (Benfica): 46.5 Dhibic (31 Gool)
  7. Robert Lewandowski (Bayern Munich): 46 Dhibic (23 gool)
  8. Mauro Icardi (Inter): 44 dhibic (22 gool)
  9. Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 44 dhibcood (22)
  10. Luis Suárez (FC Barcelona): 42 dhibic (21 gool)

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada