Friday 20 April, 2018

Mohamed Salah Waa Hogaamiyaha Gool Dhalinta Premier League Laakiin Sidoo Kale Hogaaminaya Liis Lama Filaan Ah

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa ah xiddiga ugu qaab ciyaareedka fiican xilli ciyaareedkan Laakiin Xiddiga Liverpool ayaa sidoo kale hogaaminaya Liis kale oo la yaab leh.

Xiddiga reer Egypt ayaa dhaliyay 28 gool isaga oo 4 gool ka horeeya xiddiga ugu soo dhaw ee kala saraynta horyaalka premier league halka uu sidoo kale 3 gool ka horeeyo xiddiga Lionel Messi gool dhalinta yurub.

4 gool uu ka dhaliyay Watford ayaa Mo Salah ka dhigay boqorka Liverpool laakiin nasiib xumo 25 jirka ayaa boqor ka ah liis kale oo premier league ah.

Sida laga soo xigtay Premier League Mohamed salah ayaa ah xiddiga ugu badan ee fursadaha ugu badan khasaariyay horyaalka premier league isaga oo khasaariyay 19 fursadoo oo gool loo filanayay.

Xiddiga ku xiga ee fursadaha ugu badan ayaa ah Christian Benteke kaas oo khasaariyay 18 fursadood halka Harry Kane oo ku xiga uu khasaariyay 16 fursadood.

Xiddigaha Alvaro Morata Sergio Aguero, Alexandre Lacazette & Romelu Lukaku ayaa ku soo xiga oo ka mid ah xiddigaha fursadaha ugu badan khasaariyay.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha fursadaha ugu badan khasaariyay premier league:

  1. Mohamed Salah (19) Fursadood
  2. Christian Benteke (18)
  3. Harry Kane (16)
  4. Alvaro Morata (15)
  5. Sergio Aguero (13)
  6. Alexandre Lacazette (12)
  7. Richarlison (11)
  8. Gabriel Jesus (11)
  9. Sadio Mane (11)
  10. Romelu Lukaku (10)

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada