Tuesday 18 September, 2018

Real Madrid Oo Isaga Haraysa Xiisaha Eden Hazard & Xiddig Ay 200 Oo Milyan Ku Dalbanayso Oo La Ogaaday

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay gabi ahaan isaga harto xiisaha Xiisaha xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard iyada oo dareenkeeda u jeedin doonta xiddig premier league kala ciyaara Waliba diyaar u ah in ay ku dalbato lacag dhan 200 oo milyan.

Real Madrid ayaa isaga hari doonta xiisaha Eden Hazard iyada oo isku diyaarinaysa in ay lacag dhan 200 oo milyan ku dalbto xiddiga Liverpool ee Mohamed salah.

Kooxda reer Spain ayaa la dhacday qaab ciyaareedka xiddiga reer Egypt ee xilli ciyaareedkan kaas oo keenay in la bar-bar dhigo xiddiga Barcelona ee Lionel Messi waxana ay diyaar u yihiin in ay jabiyaan rikoorka xiddiga ugu qaalisan ee Neymar.

Si kasta ha ahaatee kali kuma ahan baacsiga xiddiga kooxda Liverpool iyada oo kooxda Barcelona iyo PSG ay isku diyaarinayaan in ay dalabyo ka gudbiyaan.

Kadib markii ay iibiyeen Philippe Coutinho oo ay 145 milyan kaga iibiyeen Barcelona suuqii January Liverpool ayaan iibin doonin mohamed salah wakhti dhaw.

Laakiin maamulka Real Madrid ayaa ku qanacsan in milkiilayaasha Liverpool ayna awood u lahayn in ay diidaan dalab dhan 200 oo milyan ama wax ka badan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: