Friday 20 April, 2018

Wakhtiga Uu Neymar Garoomada Ku Soo Laaban Doono Oo Ugu Dambayn La Ogaaday

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar ayaa ugu dambayn la ogaaday wakhtiga uu garoomada ku soo laaban doono kadib dhaawacii soo gaaray xiddiga ee keenay in qaliin lagu sameeyo.

Neymar ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo 6 todobaad ah kadib qaliin looga sameeyay lugta kadib dhaawac soo gaaray.

Taas ayaa la macno ah in xiddiga ugu qaalisan adduunku uu tartan u gali doono in uu taam u noqdo in uu u ciyaaro xulka qarankiisa Brazil koobka adduunka Russia 2018.

Xiddiga 26 jirka ah ayuu dhaawac kuraanta ah soo gaaray kulankii u dhexeeyay kooxaha PSG iyo Marseille kana tirsanaa horyaalka Ligue 1.

Kadib markii xiriirka Brazil iyo PSG ku heshiiyeen xiddig xiddiga qaliin lagu sameeyo dhakhtarka xulka qaranka Brazil ayaa warbixin ka soo saaray dhaawaciisa.

Isagoo ka hadlayay wargeyska Faransiiska ee L’Equipe, Rodrigo Lasmar ayaa yiri: “Marka laga hadlo tartanka sida Koobka Adduunka, mar walba waa wax cabsi yar”.

“Run ahaantii markii ugu horaysay wuu cadhooday laakiin awoodiisa ka soo kabsashada iyo awoodiisa jir iyo maskax ahaanteed ayaa u ogolaatay in uu dhaafo wakhtigaas”.

“Waxa hubaal ah in uu doonayo in uu si deg-deg ah u soo laabto,laakiin kadib qaliinkii waxa uu bartilmaameedsanayaa in uu garoomada ku soo laabto 6 todobaad kadib kadib markii aanu qiimaynay soo kabsashadiisa”.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada