Friday 20 April, 2018

Kooxda Chelsea Oo Ku Dhaw In Ay Ku Dhawaaqdo Tababareheeda Cusub Ee Hogaami Doona Xilli Ciyaareedka Dambe

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw in ay magacowdo tababarihii badali lahaa tababaraha kooxda haatan hogaamiya ee Antonio Conte sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Chelsea ayaa la filayaa in ay iska fasaxdo tababareheeda haatan ee Antonio Conte dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdu qaab liita soo bandhigtay xilli ciyaareedkan

Kooxda ku guulaysatay horyaalka premier league xilli ciyaareedkii hore ee Chelsea ayaa ku dhaw in ay tababare cusub u magacawodo Luis Enrique sida laga soo xigtay wargayska La Parisien.

Wararka ayaa sheegaya in uu Enrique ku dhaw yahay in uu heshiis qalinka ugu duugo kooxda chelsea isaga oo kooxda la wareegi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda PSG ayaa la xiriirtay tababarihii hore ee kooxda Barcelona si ay tababare ugu magacawdo dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ku war galiyay in uu ku biiri doono kooxda chelsea.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada