Friday 20 April, 2018

Waxan ahay Madaxweynenaha Somalia 2024 (Qormo Yaab leh)+Tirada Wasiirada.

Hadii ilaah raali ka noqdo waxaan ahay madaxweynaha Somalia sanadka 2024 markaas oo subaxnimda 2 july 2024 aan ku soo kici doono dad gurigayga hor tuban kuwaas oo ku qaylinaya “ ka soo bax guriga miyaadan ogayn in laguu doortay madaxweynaha Somalia) iyagoo waliba si xushmadu ku jirto iiga codsanaya in aan xilkaas u qabto , waxaan hadii ilaah idmo arinkaas shuruud uga dhigi doonaa in ay warqad saxiixaan in ka badan 10.000 hugaamiye dhaqameed iyo wax garad kala duwan taas oo lagu balan qaadayo laba qodob oo kala ah

1 in shaqadaas ama xilkaas inta aan haynayo aysan ka badnayn 4 sano oo aan la iga codsan doonin afar kale
2 in si hufan la iila shaqaynayo

Waxaan rajaynayaa in bulshadu yeeli doonaan arinkaas markaas ka dib waxaan soo dhisayaa xukuumad qaabdhismeedkeedu yahay sidaan:

1. Madaxweyne kuxigeen 1aad ahana wasiirka wasaarada arimaha gudaha,amniga iyo difaaca
2. M/Kuxeenka 2aad ahna wasiirka wasaarada arimaha bulshada iyo deegaanka.
3. wasiirka wasaarada dhaqanka,diinta iyo cadaalada
4. wasiirka wasaarada khayraadka iyo maaliyada
5. wasiirka wasaarada gaadiidka bada,dhulka iyo cirka
6. wasiirka wasaarada qorshaynta iyo arimaha dibada
7. wasiirka wasaarada hanti dhowrka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
Sidoo kale wasaarad kastaa waxay yeelan doontaa 4 agaasime, waxaa sidoo kale jiridoona wakaalado gaar ah oo toos u hoostagi doona madaxtooyda

intaas ka dib lama dhaarin doono wasiirada waayo marka horaba waxaa lagu xulan doonaa shuruudo ay ugu horeeyaan:

1. in uusan caasi waalidiin ahayn (marqaati hooyo iyo aabe ama ayeeyo)
2. in dalka uushaqo iskaa wax u qabso uga soo shaqeeyey
3. baasaboor ajnabi in uusan haysan
4. salaada in uu tukado si cad(marqaati masaajid)
5. lacag rahan ah in uu keeno oo markii shaqada uu ka tago oo lala

Xisaabtamo uu qaato hadaan wax lagu yeelan Dowlada aan madaxda u ahay shaqada ugu horeysa ee qabanayso ama ay xooga saarayso waa 2 arimood amaanka iyo difaaca waxaana amnigaas ugu horeeya la dagaalanka maan dooriyaha qaadka iayadoo dowladu qaadka u samayn doonta maxkamad u gaar ah si loo joojiyo cunista qaadka waxaan samayn doonaa in aan mudo 3 bil ah u qabano ganacsatada qaadka keenta xiligaas oo ay ku soo gabagabaynayaan keenista qaadka markaas ka dib waxaan rajaynayaa in qofkii dalka qaad keena maxkamadu dil ku xakumi doonto hadii sharcigu ogolaado dadka sidoo kale ka ganacsada iyo kuwa cunana waxaa lagu xakumi doonaa 10 sano oo xarig ah iyo hantidooda oo laga wareejiyo loona dhiibo qofka dhaxal ahaan u leh (khayru mas’uul).

Sidoo kale arimaha amniga waxaan mabnuucaynaa in dib dambe loo arko qof qof kale si kas ah ku dilay mana ogaal doono in la arko isgoo dad u sheekaynaya micnaha horta marka hore waa dil toogosha ah waxaa mar mar dhacda in uu cafiyo qofkii uu qofka ka dilay hadey taas dhacdo waxaan ku xakumaynaa xabsi dheer waayo qofkii qof kale kas gardara ah ku dilaa dadkoo dhan ayuu dilay.

Dhinaca difaaca waxaan ka bilaabaynaa insha alaah in aan xuduudaha ciidan dhigno dalkana aan ka saarno oo aan amar ku bixino inay 7 maalmood isaga baxaan dhamaan dadka ajnabiga ah Somalia xitaa safiirada iyo kuwa u shaqeeya hay’adaha sama falka ciidan war kiisaba daa waxayna si sharci ah dhamaan dadka shisheeyaha ahi ku soo laabanayaan marka ay soo codsadaan vize ama dal ku gal loona ogolaado laakiin waa in horta ay ka baxaan dalka mudo kooban

Dalalka dariska waxaan la kul maynaa hal mar waxaana u soo jeedinaynaa in ay kala doortaan in aan heshiino oo aan ahaano laba qaran oo is agtaal oo wada noolaata iyo umad ninba taagtiye is cunta nabad laga quusto dalkii ogolaada in aan is nabad galino waxaan u nabad galinayaa dhulkooda xitaa dhulka ay haystaan laakiin kii I quursada wada qosli mayno ee difaac iyo dagaal ayaa noo dhaxaynaya

Kooxaha ama dhinacyada diinta ee dalka dhexdiisa ku hubaysan waxaan kula shiraynaa meel kasta oo ay nagu casuumaan waxaana way diinaynaa su aasha ah maxaad rabtaan oo u dagaalamaysaan?

Waxaana isla gorfaynaynaa arigtidada ay qabaan iyo teena hal arin ah ku dirir mayno taas oo ah ln dadku isku xakumaan garsoorna ka dhigtaan diintooda islaamka habka loo dhaqan galinayo waxay soo saarayaan culumo dowladuna culumo ayey soo saaree waxayna kawada hadlayaan sida loogu dhaqmi lahaa sharciga

Waxaan sidoo qoronaynaa ciidan gaaraya 120.000 (boqol iyo labaatan kun) oo askari ciidanka sida loo qoroyo waxaa aas aas u ah odayaasha dhaqanka waxaana laga rabaa in oday kasta uu keeno nin uu damaanad ka yahay iyo qori dowladu leedahay oo uusan askarigu sidan laakiin nabadoonku sido

Waxaan sidoo kale diiwaan galin doonaa odayaasha saxda ah iyadoo laga dooran doono ilaa 200 oo loo bixin doono golaha dhaqanka Somalia waxaana siin doonaa mushaar joogto ah oo ku filan

Dhinaca dhaqaalaha horta waxaan diidi doonaa in aan lacag mucaawino ah qaadano dalkii ogol in uu wax na taro waxaan waydiisanaynaa qalab iyo gaadiid sida gawaari xamuul ah, basas,doomo, birta culus ee wax soo saarka gaar ahaan kuwa lagu dhiso kaaba yaasha dhaqaalaha iyo qalabka beeraha, riigaga ceesha lagu qodo, shaybaaro casri ah iyo waliba warshado inagoo dagma waliba oo dalka ka mid ah ka hir galin doona warshad nooc gaar ah si aysan warshaduhu isku mid u noqon

Dagmooyinka gobolada mid kasta waxaa loo abuuri doonaa xoolo nool oo ay dhaqdaan tusaale dagmo kasta waxay yeelan doontaa ilaa 20.000 neef oo isugu jirta noocyada xoolaha Somalia daqliga dagmaduna wuxuu noqon doonaa xoolahaas oo marka hore ku imaan doona hab qaaraan ah ama gar gar dagmo waxaana soo ururindoona nabadoonada iyagoo ku soo wareejin doona dagmada, xoolaha nool sanadii Somalia waxay kordhaan ama barakoodaan %50 marka dagmada wayba ku filan tahay intaasi
Shaqo kasta oo dowladu abuurto waxay dowladu yeelan doontaa % 50 daqliga ka soo xarooda iyadoo la abuuri doono shirkado ama iskaashatooyin ka dhexeeya dowlada iyo bulshada
FG safarada madaxdu waxay ahaan doonaan kuwo qorshaysan bishiina hal wasiir ama madaxweyne ayaa bixi kara
Lasoco kale

Cilmi Nuurre Weheliye
Madaxweynaha mustaqbalka 
Email. cilminure@gmail.com
Tel 615515815

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada