Tuesday 18 September, 2018

Manchester United iyo Liverpool oo Ku Loolamaya Mid Kamid ah Xidigaha Brasil Yaase Ku Dhow?

Liverpool ayaa doonaysa inay dhiggeeda Manchester United ku garaacdo saxiixa laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka dalka Brasil, Talisca, kaasi oo soo jiitey indhaha kooxaha reer England kadib bandhig wanaagsan oo uu ka sameeyey kooxda Besiktas.

Wargeyska ka soo baxa wadanka Turkiga oo laacibku hadda amaah kujoogo ee Fanatik ayaa fahamsan in Liverpool ay ka go’antahay sidii ay 23 sano jirkaani uga dulqaadi lahayd kooxda caddawaddu ka dhexayso.

Kooxda Manchester United ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku dhowayd saxiixa Talisca, oo lagu qiimaynayo £35million, kaasi oo xilli ciyaareedkaan 16 goal ka dhaliyey tartamada oo dhan.

 

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: