Sunday 15 July, 2018

Lionel Messi Oo Luis Suarez U Sheegay In Ay Kooxda Barcelona Xiddig Lama Filaan Ah Ka Soo Wado Premier League

Xiddiga 1-aad ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xiddiga ay weerarka Barcelona saaxiibka ku yihiin ee Luis Suarez ku war galyay in ay kooxda Barcelona si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga ka ciyaara horyaalka Premier League.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu Luis Suarez u sheegay in uu xiddiga kooxda west Ham u ciyaara ee Manuel Lanzini uu ku soo wajahan yahay Camp Nou.

Labada xiddig ee Kooxda Barcelona ee Messi iyo Suarez ayaa haatan ku sugan waajibaadka xulalkooda iyada oo horyaalka La Liga dib u bilaaban doono todobaadka dambe.

Lanzini ayaa sidoo kale ku maqan waajibaadka xulka qarankiisa isaga oo Messi kula sugan xulka qaranka Argentina.

Xiddiga west Ham ayuu xilli ciyaareedkan dhaawacyo u diideen in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxdiisa West Ham isaga oo kulamo badan ciyaarin xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa loo badinayay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigan iyada oo suuqa ka raadinaysa badalka Philippe Coutinho oo suuqii January ku biiray Barcelona.

Laakiin wargayska Don Balon ayaa sheegaya in uu Lionel Messi taageero weyn u yahay Lanzini kuna soo dhawayn doono kooxda Barcelona.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada