Friday 20 April, 2018

DAAWO-Muuse Biixi oo Sii Huriyey Coladda Tukaraq,”Ciidankeenu Waxay Ku Sii Durkeen Dhinaca Bari”.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay la hadlayay xubnaha labada golle ee maamulkiisa ayaa ku faanay in ay ciidamadiisu ku durkeen deegaanada oo uu sheegay in uu xigo xadka ay la wadagaan Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay ciidamadiisu gaaraan xadka rasmiga ah, taas oo ka dhigan Iclaamka kale oo dagaal.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku eedeeyey Xukuumada Soomaaliya in ay ka dambeyso falal uu sheegay in dagaalo lagu hurinayo goobahaas, isagoo sheegay in ay iska difaacayaan weerar kasta oo uga yimaada Soomaaliya, isagoo ku dhici waayay in uu xaqiiqada ka sheego arrimaha ka taagan deegaanka Tukaraq.

Shacabka gobalka Sool ayuu sheegay in ay door weyn ka geysteen sidii ciidamada maamulka Somaliland ay u gaari lahaayeen Tukaraq, ayna filayaan in sii wadaan garab istaaga ciidamadooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Hal Fikrad Ayaa Laga Dhiibtay Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DAAWO-Muuse Biixi oo Sii Huriyey Coladda Tukaraq,”Ciidankeenu Waxay Ku Sii Durkeen Dhinaca Bari”."

  1. Cadamy says:

    Waa gartaa Abti oo way kuu gaadhey.intuu nacaskan caloosha wayn fadhiyo Garoowe waa xaq inaad uugu tagtid.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada