Friday 20 April, 2018

Griezmann,”Waxaan Jecelahay Ka Garab Ciyaarista Pogba Lakiin Mahan Inaan Ku Biirayo Manchester”.

Weeraryahanka xulka qaranka dalka France iyo kooxda Atletico Madrid Antonio Griezmann ayaa shaaca ka qaaday inuu daqiiqad walba jecel yahay ka garab ciyaarista laacibka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba, haseyeeshee uusan rabin inuu kula biiro Manchester United.

Griezmann iyo Pogba ayaa labaduba waxa ay su’aalo isku waydiiyey TV channel Canal Plus xilli ay ku jiraan kulamada saaxiibtinimo ee xulka qarankooda isu diyaarinayaan.

“Waxay noqon lahayd wax qurux badan inaan kaa garab ciyaaro daqiiqad walba aana kugula guulaysto billado ama koobab”, ayuu ku falceliyey weerar yahanka Madrid oo uu Pogba waydiiyey haddii uu jecel yahay qaab ciyaareedkiisa.

Haseyeeshee Griezmann ayaa daqiiqaddiiba bedeley kalladdiisa, wuxuuna yiri”laakiin taas macneheedu mahan inaan doonayo ku biirista kooxda Manchester United”.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada