Tuesday 18 September, 2018

UEFA Oo Ku Dhawaaqday Isbedelka Cusub Ee Champions League Ka Hor Xilli Ciyaareedka Soo Socda – Badalka 4-aad Oo Ku Jira

UEFA ayaa ku dhawaaqda in dhawr is badal lagu sameeyay champions Leageue kaas oo dhaqan gali doona xilli ciyaareedka dambe kana mid yahay in la ogaaday badal 4-aad oo ay koox walba samayn doonto.

Wareegyada tooska loo haro marka la gaaro wakhtiga dheeriga ayaa koox kasta loo ogolaan doonaa in ay sameeyaan 4-aad oo lagu dari doono 3-dii badal ee sida caadada ah la samayn jiray.

Waxa sidoo kale la dhaqan galin doonaa tartanka xilli ciyaareedka dambe wakhti cusub oo ay bilaabmi doonaan kulamada champions League iyada oo 2 kulan la ciyaari doono Salaasada 2 kalenala ciyaari doono Arbacada iyada oo ay ciyaaruhu bilaabmi doonaa 3:55 Galabnimo wakhtiga geeska Africa.

Kooxda ayaa haatan diwaan gashan kara 23 xiddig halkii ay markii hore diwaan gashan jiraan 18 xiddig oo ay ciyaarta ku soo gali jireen.

Halkan Hoose kaga bogo Is badalada dhaqan gali doona xilli ciyaareedka 2018/2019.

  • Badalka 4-aad oo la ogolaaday wareegyada sida tooska ah loo haro marka ciyaarta lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri ah.
  • 23 xiddig ayaa loo ogolyahay in ay kooxdu u diwaan gashato kulanka halkii markii hore 18 xiddig loo ogolaa kulamada 23 xiddig la ogol yahay ayaa ah Final-ka champions League, Final Europe League iyo UEFA Super Cup.
  • Wakhti cusub ayaa la ciyaari doonaa tartanka champions League iyada oo laba kulan la ciyaari doono saalasa iyo Arbaca kasta 3:55 galabnimo
  • Kooxaha ku guuleystay UEFA Europa League (ama UEFA Cup) seddex jeer isku xigta ama ugu yaraan shan jeer ayaa loo oggolaan doonaa inay xiraan calaamad gaar ah oo ka turjumaysa inta jeer ee ay ku guulaysteen. Sevilla ayaa ah kooxda kaliya ee uqalantay xilli ciyaareedka soo socda.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: