Friday 20 April, 2018

Gabriel Jesus Oo Diiday Heshiis Cusub Oo Ay Kooxdiisa Man City Miiska U Saartay, Maxay Tahay Sababtu

Weeraryahanka kooxda Man City ee Gabriel Jesus ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday heshiis cusub oo uu todobaadkii ugu qaadanayo 90 kun oo Gini isaga oo waliba gabi ahaanba joojiyay wadahadaladii uu kula jiray kooxdiisa Man City.

Madaxda Man city ayaa doonayay in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga reer Brarzil ka hor inta uuna aadin koobka adduunka Russia laakiin wadahalada ayaa gabi ahaanba istaagay kadib markii ay wakiilada xiddigu ka bexeen wadahadalada ilaa xagaaga.

Jesus ayaa haatan kooxda ka qaata lacag dhan 65 kun oo Gini toodbaadkii laakiin waxa la aaminsan yahay in uuna ku faraxsanayn mushaharka 90 kun ah ee ay u soo bandhigtay kooxdu ugana doonayso in uu qalinka ku duugo heshiis ilaa 2023 ah.

Xiddiga ayaa la aaminsan yahay in uu doonayo in uu mushahar ahaan u helo lacag ka badan 100 kun oo Gini todobaadkii laakiin labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay joojiyaan wadahadalada.

Heshiiska Jesus ee haatan ayaa dhacaya 2022 mana jirto wax deg-deg ah oo xiddiga ku jira si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Xiddiga ayaa ku dhibaatooday dhaawac jilibka ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhawaan ka soo laabtay dhaawac uu muddo dheer u maqnaal.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada