Tuesday 18 September, 2018

Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Xiddig Real Madrid Ah Oo Ku Qasbanaaday In Uu Sharaxo Hadal Uu Ka Yiri Midka Fiican Ronaldo & Lionel Messi

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Federico Valverde ayaa ku qasbanaaday in uu kala cadeeyo is faham waa kadib markii uu sheegay in Lionel Messi uu ka fiican yahay Cristiano Ronaldo.

19 jirkan oo haatan amaah kula jooga kooxda Deportivo La Coruna ayaa ka qayb galay xaflad jaamacadeed oo La Liga ah intii lagu jiray fasaxa xulalka.

Qayb ka mid ah su,aalihii la waydiinayay ayaa da,yarka lagu waydiiyay xiddiga uu aaminsan yahay in uu fiican yahay adduunka xiddiga ayaana doortay Lionel Messi isaga oo iska indha tiray xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo.

“Ronaldo iyo Messi waa labada ciyaaryahan ee adduunka ugu fiican,Laakiin waxaan dooranayaa Messi” Valverde ayaa u sheegay caruurtii su,aalaha waydiinaysay.

Kadib markii ay xafladu dhamaatay ayuu xiddiga khadka dhexe baraha bulshada soo dhigay muuqaal uu ku sharaxayo wixii uu yiri intii ay xafladu socotay.

“Waxa aan doonayaa in aan kala cadeeyo is faham waa dhacay intii aan ku jiray xaflada”ayuu Valverde yiri.

“Waxa ay ahayd kaftan arintii ku saabsanayn Messi iyo Ronaldo sababtoo ah wuu Ogyahay in aan ahay xiddig Real Madrid ah mar walbana sharad ku galiyo ama u dagaalamayo Cristaino, sababtoo ah waa xiddiga ugu fiican adduunka waxana uu muujiyaa maalin kasta kulan kasta”.

“Waxaan doonayay inaan caddeeyo in hadii aan wax u dareemayo Messi inaanan marnaba u saxiixeen Real Madrid, waxan doonayo in aan cadeeyo arintaas, way iska cadahay in ay labada xiddig yihiin kuwa ugu fiican adduunka laakiin waxa aan mar walba taaganahay dhinaca Cristiano Ronaldo”.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: