Sunday 15 July, 2018

DEG DEG-Ciidankii Somaliland oo Kolanyo Kolanyo u Soo Gelaya Gudaha Tukaraq iyo Ciidamo Ka Fadhiya 3 Jiho.

Wararka aanu ka helayno fariisimada ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ee gobolka Sool gaar ahaan agagaarka Tukaraq ayaa sheegaya in cutubyo katirsan ciidanka Soomaaliland ay saacadihii ugu dambeeyey gudaha u gelayeen deegaanka Tukaraq oo ay kuleeyihiin goob gaadiidka iyo dadka lagu baaro (Kantarool).

Ciidamada ayaa dadka deegaanka iyo kuwa xoolo dhaqatada ah ee imaanaya magaalada waxa ay ka xog waraysanayeen xaaladda deegaamada hoosyimaada deegaanka Tukaraq, kadib markii ay ka warheleen in deegaamadaasi ay gaareen ciidankii ugu badnaa oo isugu jira kuwa Puntland iyo kuwa deegaanka oo ay keeneen qaar kamid ah beelaha degan gobolka Sool.

Ciidamo hubaysan oo kayimid degmada Taleex ayaa la sheegay inay gaareen dhinac bari ee deegaanka Tukaraq, waxaana sidoo kale deegaankaasi gaarey ciidamo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka oo kayimid qaar kamid ah gobolada Puntland.

Qaar kamid ah shacabka Kunool Tukaraq ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyey in ciidanka Soomaaliland ay ka cabsi qabaan dagaal jihooyin badan kaga yimaada, ayna durba bilaabeen inay samaystaan dhufaysyo horleh.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa saldhiggii ugu weynaa ka samaystay duleedka deegaanka Tukaraq gaar ahaan halka loo yaqaan Godqaboobe.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

5 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DEG DEG-Ciidankii Somaliland oo Kolanyo Kolanyo u Soo Gelaya Gudaha Tukaraq iyo Ciidamo Ka Fadhiya 3 Jiho."

  1. been badanaa puntland aar iska seexda

  2. Kenedid Sheel says:

    (ASKARTAAN XUDDUUDADA U DIRAY XAMAR MAXAA KEENAY) Ciidamada ISAAQ Tukaraq maxaa keenay?????

    Ciidamada Kolanyo kolanyo u soo galaya Tukaraq, diyaarada kuma iman ee waxay soo mareen dhulka waxayna soo tibaaxeen deegaanka Dhulbahante. Dhulbahante xoreynta uu leeyahay Sool Soomaliland (Isaaq) baan ka xoreeynaynaa waa inay ka bilaabato in ay ishortaagaan Kolanada ciidan ee soo dhexmaraya deegaan daaqa ay qbiilnomo u leyihiin.

    • Cadamy says:

      Kenediid Sheel waxaan udhan lahaa nacaskan Garoowe fadhiya ha ku dayan. Dawlad baa sheeganaysaan xuduud iyo distuur leh. Ee wax ka qabta duulaanka SL.

  3. Hrs says:

    Waxaan maqli jiray dhulaan dhulkaaga aheen dareen ku joog weeya. Waxaan maqaalkan ka aqtiyay in simskolans ku walatsy dhugees qodid waxaan u maleenaya cabsida ay ka qabaan puntland waxaan ka baqayaa ineey is Assan.waa bilaahi toofiq

  4. Wiil mudug says:

    War iyo dhamaantiis Isaaq dhulbahante sidii qaran jabay bay uladhaqmeen oo aan tolhaysan…

    Xaalada Dagaalka Sansaankiisu muuqdo: Ama dhulbahantaa noqon rag tol leh oo idoor iyo muuse biixi taknikada kafuran dhulkoodana xor iyo sharaf Ugunoolaan,,, Ama dhulbahante iyo tolwadaagtooda Majeerteen baa isku wado maraya oo Iidoor baa Garawe Dalxiis bilaa canshuur ah ku imaanaya,

    Waxaan sugnaa waa natiijada aysoo kordhiyaan Wiilasha Mudug hiilka dhulbahante ugayimid inay dhulbahante gunimada isaaq baday kadulqaadaan, ama ay wada gumoobaan

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada