Tuesday 18 September, 2018

Neymar Oo Si Maldahan U Sheegay Xiddiga Fiican Cristiano Ronaldo & Lionel Messi, Muxuuse Ka Yiri Wararka La Xiriirinaya Real Madrid.

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa loo arkaa inay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka.

Labada xiddig ayaa dhexdooda ku guulaystay 10 Abaalmarin oo ah Ballon d’Or-ka iyaga oo cid walba ka hor istaagay in ay ku guulaysato abaalmarintaas 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Taageerayaasha labada xiddig ayuu midba midka kale kula murmaa midka ugu fiican adduunka in uu yahay xiddiga uu taageero xilli taageerayaasha Ronaldo ku faanaan gool dhalinta cajiibka ah ee xiddiga halka kuwa Messi-na ku faanaan farsamooyinka cajiibka ah ee uu soo bandhigo.

Laakiin marka laga hadlaayo abaalmarinta shakhsiyadeed, waa qaar siman taas oo la macno ah in ay dadka badankoodu ku mur-maan xiddiga ugu fiican labadooda adduunka.

Neymar oo ah xiddig maalin-maalmaha ka mid ah noqon doona xiddiga labada xiddig kala wareegi doona magaca xiddiga ugu fiican adduunka ayaa ka soo garab ciyaaray Lionel Messi.

Laakiin xiddiga ugu qaalisan adduunka ayaan u muuqan mid aan doonayn in uu hoos u dhigo saaxiibkiisii hore markii la waydiiyay fikirkiisa ku aadan Ronald.

“Waan ixtiraamaa Ronaldo wax badan oo taariikhda uu sameeyay” ayuu yiri weeraryahanka Paris Saint-Germain.

“Waxa uu calaamad u yahay qof sida aniga oo kale ah waxa uu heerkiisa ugu sareeya ku qaaday 10 sano sida Messi waxana aan dhamaanteen doonaynaa in aanu u fiicnaano sidooda oo kale”.

“Sida la og yahay waxa Real Madrid jooga xiddigo badan oo waaweyn mana ahan in aanu kaliya Cristiano Diirada Saarno”.

“Waxa aan Paris u imid in aan taariikh sameeyo, wararka xanta ah ee sheegaya in aan ka tagayo way socon doonaan, waan ku faraxsanahay, waanan daganahay waxba kama odhan karo wararka xanta ah”.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: