Sunday 15 July, 2018

DAAWO-Cali Khaliif oo Inkiray Inay Ku Biireen Somaliland iyo Beesha Dhulbahante oo Qorshe Damacsan.

Xog hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaysa in odayaasha dhaqanka, garaadada iyo qaar kamida ah beelaha dega gobolka Sool ay qorshaynayaan sidii ay uga laaban lahaayeen heshiiskii dhexmaray beesha Dhulbahante iyo Soomaaliland.

Qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha degan gobolka Sool ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee Muuse Biixi ay guud ahaan laashay heshiisyadii dhexmaray beesha iyo Soomaaliland ee ku salaysnaa wada noolaanshaha, arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.

Madaxweynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Xukuumaddii hore ee Soomaaliland ayaa degmada Caynaba ku kala saxiixday heshiis xukuumaddii Khaatumo ee xilligaasi ugu biirtay Soomaaliland, kahor doorashadii madaxweyne Muuse Biixi.

Cali Khaliif Gallaydh oo muddo ku maqnaa Hargaysa ayaa markii uu soo gaarey deegaamada Gobolka Sool siweyn u dhaliilay Soomaaliland, wuxuuna sheegay inaysan waxba ka fulin heshiiskii ay gaareen ayna ka fiirsan doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

DAAWO

Xildhibaano, wasiiro, saraakiil iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sool ayaa magaalada Garoowe ka abaabulaya qorshe dagaal oo dowladda Puntland ay ciidanka Soomaaliland kaga xoraynayso Mgaaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

5 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DAAWO-Cali Khaliif oo Inkiray Inay Ku Biireen Somaliland iyo Beesha Dhulbahante oo Qorshe Damacsan."

  1. Wiil Mudug says:

    Ali niicle Garaad jaamac waxuu kudhibsaday markuu ku taageeri waayay goosa shadii uu Somaliland ugoostay, iyo damintii Colaadii uu Ali niicle. Dhexdhigay Bahararsame iyo Cumar maxamuud.

    Walee ilma adeertay inta Ay Cali niicle hadba shir kusoo dhawaynayaan Gobonimo iyo iyo inay Dhulkooda nidaam hufan oo fadhiya u helaan waa adkaanaysaa.

  2. maxamed sulub says:

    Dr.Ali khaliif madaxweynaha garab kamid ah khatumo,xiligan wax horumar ah masugayo,hase yeshe waxuu raba waxuu jiscinto oo melxun ku ogado,Dr.Ali khalif wa ogyahay in khatumo & somaliland wax natijo & horumar ah oo dhexmari kara majiran,sababto ah dad dhigodu isku datay oo aan is xalmarin in wax wada qabsadan wax sahalan ma’ah,mida kale,Dr.Galayr markuu ugalay somaliland waxuu aha Carwosaad & Naf lacari.

  3. Cali waa DOORSHAAN doorshaanna bakhti lagama age waayo

  4. mohamuud says:

    INUU QAR JAFAYO AWALBA WAAN OGAA .LAAKIIN OGAADA SIDAASUU SAAXADA SIYAASADA UGA BAXAY WAAYO MAANTA ILMAHA YAR BAA OGAADAY CALI KUU AHAA AHAAN JIREYNA .NINKA FAYSAL WARAABE HOOS TEGEY .MUUSE SHAANI ISAGU WUU OGYHY IN DHULBAHANTE UUSAN MARNABA WAX LAYEELANAYN ISAAQ AMABA JEEGAAN AAN DHEHEE .LAMOOD NOQONSE WAA KAN HAKU HABSAAMINA .LAAKIIN NINKA AAN KA NAXAY EE UU DHIIQADA INTUU DHEX FADHIISIYEY UGA TEGEY WAA GARAAD JAAMAC G CALI OO KALSOONIDII LAGU QABAY LUMIYEY

  5. mohamuud says:

    ODAYGAN DHULBAHANTE WUU DHIBSADAY . DHIBSASHADU MARKAY BADATANA KARAAHIYO AYAY NOQOTAA. CALI KARAAHIYO .WAXAAN GARAN WAAYEY WUXUU WIDHWIDH UGU WAREEGO HADDEER TUULADAAS WUU QUDHUNSADAY. MARWALBA WUXUU ISKU DAYAA INUU KALA FOGEEYO DADKA WAA MUNAAFAQ XAASID AH BAKHAYLA WAX KASTA OO LIIDNIMO AH WAY KU DHAMAATAY INKAAR ALLAH KURID

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada