Friday 20 April, 2018

DAAWO-Muuse Biixi,”Dowladda Federalka ah Waxay Cunaqabatayn Naga Saartay Mashaariicdii Horumarineed”.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cunaqabatayn dhanka mashaariicda horumarinta ah ku soo rogtey guud ahaan Soomaaliland, wuxuuna intaasi ku daray inay dacwad u gudbiyeen qaramada midoobey.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ku saabsanaa in aan la siyaasadayn mashaariicda horumarineed,islamarkaana ay cuna-qabatayn saartay, guud ahaan mashaariicdi caalamku ka fulinjiray Somaliland,kuwaasoo uu sheegay in loo wareejiyay magaalada Muqdisho.

“In hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Nairobi,dhaqaalaha ka soo baxana Somaliland barkeeda la siiyo”, ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi isagoo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay la wareegtay hawadii labada dhinac ka dhexaysay,islamarkaana ay leexsatay dhammaan dhaqaalihii ka soo bixi jiray.

HOOS KA DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "DAAWO-Muuse Biixi,”Dowladda Federalka ah Waxay Cunaqabatayn Naga Saartay Mashaariicdii Horumarineed”."

  1. wiil waal says:

    lkkkkkk muse canaadwayne kowba majogto.

  2. axmed says:

    Cabadka iska daa Nacasyow afka weyni, labada dhinac uu sheegayaa waa xagee,? maxaad aheydeen idinku ma dowlad kale Xaaraami.

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada