Friday 20 April, 2018

Jurgen Klopp oo Lahadlay Taageerayaasha Liverpool Caddeeyeyna Hadduu Ku Biirayo Bayern Munich.

Macalinka Germalka ah ee kooxda Liverpool ee dalka England Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday hadal ay siweyn ugu farxeen taageerayaasha Liverpool xilli siweyn loola xiriirinayey kooxda Bayern Munich, isagoona xusay inuu ku faraxsan yahay shaqada uu hayo hadda.

Waxa uu Jurgen Klopp u sheegaya majaladda Telegraph: “Sida dheer ee ay qoyskaygu ugu dareemeen farxadda halkaan, waan faraxsanahay waxaana dhammaystirayaa heshiiskayga”.

“Laakiin taasi gacmahayga kuma wada jirto khaasatan kubadda cagta, waxaan xaqiiqdii rajaynayaa inaanan waligay gaarin marxad ay dadku yiraahdaan, waxaan rajaynaynaa inaan berri baxno”.

“Laakiin qofna looma baahna inuu middaasi ka wehwelo haddii uu jiro qof walaacsan” ayuu yiri markale Jurgen Klopp.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada