Tuesday 18 September, 2018

WARARKII UGU DAMBEEYEY-Maxaa Maanta Ka Cusub Jiidda Hore ee Ay Isku Horfadhiyaan Ciidanka Puntland iyo Somaliland.

Wararka aanu maanta ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya inaysan waxba iska bedelin xiisaddii u dhexaysay ciidanka difaaca Puntland iyo Soomaaliland oo muddo ku dhow saddex bilood isku horfadhiya deegaankaasi.

Qaar kamid ah bulshada kunool deegaankaasi oo warbaahinta Puntlandnews.net ay xiriir la samaysay ayaa sheegay in ciidanka labada dhinac ay weli ku sugan yihiin fariisimadoodii uusanna jirin wax dagaal ah walow ay marwalba ka cabsi qabaan dagaal soo cusboonaada.

Labo maalmood kahor ciidanka Soomaaliland ayaa waxa ay rasaas ku soo tuureen dhanka Puntland, waxaana marba marka ka dambaysa sii cuslaanaysa xaaladda deegaanka iyadoona shacabka Puntland ay dowladda ku cadaadinayaan dagaal ay lagasho Soomaaliland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa horay u sheegay in dowladda Puntland ay ka go’antahay difaaca shacabkeeda iyo xuduudeheeda, wuxuuse tilmaamay in dowladdu aysan ku shaqayn wararka baraha bulshada lagu faafiyo.

DAAWO-Sawirradii Ugu Dambeeyey ee Ciidanka Puntland ee Ku Sugan Jiidda Tukaraq iyo Madax Booqatay.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: