Tuesday 18 September, 2018

Lionel Messi & Luis Suarez Oo Ah Lamaanaha Weerarka Ee Ugu Fiican Horyaalada Yurub & Xog Muujinaysa

Xiddigaha Kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira tan ilaa bilowgii sanadkan 2018 iyaga oo ka horeeya dhamaan weeraryahanada lamaanayaasha ee tartamada yurub.

Kooxda Barcelona ayaa ku jirta wakhtigeedii ugu fiicnaa iyada oo ku dhaw ku guulaysiga horyaalka La Liga sidoo kale gaartay Final-ka Copa Del Rey-ga walina ku jirta tartanka champions League.

Barcelona ayaa arintaas uga mahad celinaysa xiddigaha Luis Suarez iyo Lionel Messi kuwaas oo hogaan ka ah guulaha kooxda Barcelona ee xilli ciyaareedkan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in labada xididig ee Messi iyo Suarez dhaliyeen 32 gool tan ilaa bilowgii sanadka 2018 iyaga oo ah labada weeraryahan ee ugu goolasha badan tartamada yurub.

Lionel Messi ayaa dhaliyay 17 gool halka uu Luis Suarez dhaliyay 15 gool taas oo ka caawisay in ay ka horeeyaan lamaane walba oo weerarka ka wada ciyaara tartamada yurub.

Wargayaska ayaa intaa ku daray in Cristiano Ronaldo uu qaab fiican ku jiro bilowgii sanadkan kaligiina dhaliyay 21 gool laakiin saaxiibkiisa Karim Benzema ayaa kaliya dhaliyay 4 gool.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: