Wednesday 19 September, 2018

DEG DEG-Kaarayaashii Dagaalka Somaliland oo Laascaanood Soo Dhaafay iyo Taliyihii Guud ee Ciidanka Somaliland oo Xalay Gaarey Kuna Wajahan Jiidda.

Taliyaha guud ee ciidanka maamulka Soomaaliland General Nuux Ismaaciil Taani oo dhowaan ka soo kicitimay magaalada Hargaysa ee xarunta Soomaaliland ayaa xalay gudoodi ku soo gaarey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno saaka Laascaanood ayaa sheegaya in Taani uu dhowaan u gudbi doono deegaamada Gambara iyo duleedka Tukaraq oo ay Soomaaliland dhoobtay ciidankeedii ugu badnaa kadib markii ay 8-dii January qabsadeen Tukaraq.

Dhanka kalena, wararku waxay sheegayaan in 2 kamid ah Kaarayaasha dagaalka Soomaaliland ay shalay soo dhaafeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool loona soo gudbiyey dhinaca deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa ciidankooduu ugu badnaa soo dhoobay deegaamada, Tukaraq, Holhol iyo God-qaboobe, waxaana la hadal hayaa in maalmaha soo socda uu deegaanka Tukaraq ka dhici doono dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

One Response to "DEG DEG-Kaarayaashii Dagaalka Somaliland oo Laascaanood Soo Dhaafay iyo Taliyihii Guud ee Ciidanka Somaliland oo Xalay Gaarey Kuna Wajahan Jiidda."

  1. Ina Harti says:

    Waan ka xumahai xaaladda colaadeed ee beryehanba ka taagneed Sool. Laakiin hadii ragga murantaan waranku wuu macaanyaha. Waala ogsoonyahay inu Maxamuud Saleebaan yahay Lafdhabarka Majeerteen iyo Hartiba laakiin Nacas calool wayn baa karaamadii ka qaaday. Shirarkiina wada Wallee IDOOR GAROOWE WUU SOO DUL DEGI HADDAAN WAX LAGA QABAN.

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: