Sunday 15 July, 2018

Kevin de Bruyne Oo Sheegau In Uu Kaliya Laba Jeer La Hadlay Markii Ay Wada Joogeen Kooxda Chelsea – Waxana uu Shaaca Ka Qaaday Waxa Uu Labadaas Jeer Ku Yiri

Xiddiga Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man city ee Kevin de Bruyne ayaa shaaca ka qaaday in uu kaliya 2 mar la hadlay tababare Jose Mourinho wakhtigii ay wada joogeen kooxda chelsea.

26 jirkan ayaa kooxda Blues ku biiray sanadkii 2012 markii uu Roberto Di Matteo tababaraha u ahaa kooxda Laakiin waxa isla markiiba amaah loogu diray kooxda Werder Bremen.

Markii uu xiddigu ku soo laabtay chelsea waxa kooxda hogaaminayay tababare Jose Mourinho.

De Brune ayaa kaliya 9 kulan u ciyaaray tababare Jose Mourinho ka hor intii aan 18 milyan looga iibin kooxda Wolfsburg suuqii January.

Xiddiga khadka dhexe ayaa haatan lagu qiimeeyee in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican adduunka isaga oo waliba si xoogan ugu sharaxan in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Markii la waydiiyay in uu qeexo xiriirkii uu la lahaa tababarihiisii hore ee Jose Mourinho De Bruyne ayaa yiri “waaxaan dhihi lahaa..Mid aad u yar, anigu xaqiiqdii ma ihi qor mar walba la hadla tababarayaasha”.

“Waxaan u maleynayaa hadii tababare uu doonayo inuu kula hadlo markaas in aad la hadasho, isaga ayaa tababare ah, waad isku fiicnaan kartaan laakiin waxa jira masaafad u dhexaysa xiddiga iyo tababaraha”.

“Waxa aan isaga la hadlay kaliya laba mar waxana ay ahayd markii aan doonayay in aan ku biiro Dortmund bilogii xagaaga, kulankii 2-aadna waxa aan ku iri waxa fiican in aan boxo waxa aan doonayaa in aan kubad ciyaaro”.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada