Tuesday 18 September, 2018

Tababaraha Kooxda Chelsea Ee Antonio Conte Ayaa Shaaca Ka Qaaday Sababta Ayna Xiddigaha Chelsea U Soo Bandhigi Karin Qaab Ciyaareedkii Ay Liverpool Soo Bandhigtay Kulamadii Man City

Tababaraha Kooxda chelsea ee Antonio Conte ayaa qirtay in ayna xiddigaha chelsea u ciyaari karin sida ay u ciyaaraan xiddigaha Liverpool kuwaas oo guul qurux badan ka gaaray kooxda Man city lugtii 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Goolal ka yimid Mohamed Salah, Alex Oxlade-Chamberlain & Sadio Mane ayaa Reds ka caawiyay in ay guul qurux badan ka gaaraan kooxda hogaanka u haysa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa haatan kooxda Man city laba jeer guuldaro dha-dhansiisay xilli ciyaareedkan halka ay chelsea laba guuldaro oo min 1/0 ah kala kulantay kooxda Pep Guardiola.

Guuldaradii ay kala kulmeen bishii March chelsea ayaa ku fashilantay in ay hal laad ku laagto goolka city taas oo dhaleecayn ku keentay chelsea iyo Conte.

Laakiin Conte ayaa ku adkaysanaya in uuna haysan koox uu ku soo bandhigo qaab ciyaareedka ay Liverpool soo bandhigtay kulamdii ay la ciyaartay Coty.

“Waxa aan aaminsanahay in aad koox kaga badin karto siyaabo kale duwan ma jirto hal wado oo koox looga badin karo”ayuu yiri conte.

“Hubaal ka hor inta aanad la ciyaarin koox sida City oo kale ah waa in aad marka hore fahamsantahay astaamaha xiddigahaaga”.

“Hadii aad haysato xiddigo ku fiican in ay ordaan ama cadaadis saaraan kooxda kaa soo hor jeeda 90-ka daqiiqo ee ciyaarta waxa ay ku fiicantahay in aad awood ku bilaabato bilowga xilli ciyaareedka”.

“Hadii aanad haysan xiddigahaas astaamahaas leh way adagtahay in aad cadaadis saarto kooxda kale ama way adagtahay in aad kubad la,aan ciyaarto waa in aad raadiso wado kale oo aad uga badiso”

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: