Friday 20 April, 2018

Sawirro-Xogo Dheeraad ah oo Ku Saabsan Saldhigyada Ruushku Ka Dhisayo Soomaaliland.

Warabaahinta Caalamka ayaa qortay in dowladda Ruushka ay qorsheysay in ay saldhig ciidan ka sameysato degmada Saylac oo ku taalla Xadka Somaliland iyo Jabuuti, islamarkaana ay Somaliland maamusho.

Dowladda Ruushka waxa ay bilowday Qorshaha Saldhigga laga dhisaayo Somaliland sanadkii 2017-kii horraantiisii, waxaana diplomaasiyiin ruush ah ay la kulmeen Madax ka tirsan Somaliland.

Boga Warfaafinta Alt-Media portal South ayaa daabacay Warbixin ku saabsan Saldhiggaasi oo dowladda Ruushka ay waydiisatay Somaliland.

Diplomaasiyiin Ruush ah ayaa xaqiijiyay in Somaliland ay diyaar u tahay in ruushka xiriir wanaagsan la yeelato, islamarkaana Saldhigga aqoonsi loogu badello.

Dowladda Ruushka waxa ay doonaysaa in ay balaariso qorshaheeda ku wajahan Geeska Afrika, waxaana la sheegay in Markii hore ay qorsheysay Itoobiya laakiin ay dhiciweysay.

Somaliland wali Ma shaacin aqballaada Heshiis ay la gaartay dowladda Ruushka oo ku aadan Saldhig ciidan oo laga sameeyo degmada Saylac.

Dowladda Imaaraadka ayaa saldhig ciidan ka wadda degmada Berbera ee Somaliland taasoo dowladdo badan aysan ka farxin.

Somaliland dunidu ma aqoonsanaa waxaana dowladda Soomaaliya ay aaminsan tahay in tahay gobollo ka mid ah Soomaaliya laakiin Sanadkii 1991 ayay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan "Sawirro-Xogo Dheeraad ah oo Ku Saabsan Saldhigyada Ruushku Ka Dhisayo Soomaaliland."

  1. axmed says:

    Kumadhiiran karto dowlada ruushku, wey ogtahey meeshaasi in ay tahey Gobol Somaliya ka tirsan, Wax Somaliland la dhahaana aysan jirin. marka bal aan aragno sida ay ka yeesho.

  2. Burcaawi says:

    Saldhiga Ruushka Wuxuu lamid yahay ka imaradka Carabta
    Waayo Somaliland waa dowlad Xor ah Ciday doontana heshiis la gelikarta

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada