Wednesday 19 September, 2018

DAAWO-Kulankii Madaxweyne Farmaajo Iyo Gudoomiye Jawaari oo Lagu Kala Dareeray.

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Madaxtooyada Villa Somalia kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Todobaadkii hore Madaxweynaha ayaa kulan sidan oo kale la qaatay Guddoomiye (Jawaari) oo ay kaga wada hadleen xiisada siyaasadeed ee dalka, kaasi oo lagu kala dareeray, oo aanay ka soo bixin natiijo sal fadhida leh.

Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in maanta markale ay kulmeen Farmaajo iyo Jawaari, kana wada hadleen Mooshinka, balse kulankooda uusan ka soo bixin natiijo.

Madaxweyne (Farmaajo) ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka markale ka dalbday inuu is casilo, uuna u turo marxalada uu hada dalka ku jiro, balse Prof. (Jawaari) ayaa dhankiisa ka soo horjeestay codsiga Madaxweynaha oo ah inuu tanaasulo, wuxuuna tilmaamay inuu ku yimid sharci, kuna baxayo codka kalsoonida.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdi Weli Ibraahim Muudey ayaa maanta xildhibaanada ku wargeliyay in berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, oo looga hadlayo Mooshinka Jawaari.

Si xilka looga qaado Guddoomiye Jawaari waxaa loo baahan yahay Saddex meelood laba tirada guud ee Baarlamaanka, taasi oo ka dhigeysa in ka badan 184 xildhibaan in ay taageeraan Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

DAAWO

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: