Friday 20 April, 2018

DEG DEG-War Ka Dhan ah Soomaaliland oo Lagaga Dhawaaqay Laascaanood iyo Xiisad Weli Taagan.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ilaa saaka waxaa ka taagnaa xiisad ka dhalatay dilka mid kamid ah ganacsatadii ugu waaweyneyd gobolka Sool, waxaana sidii aad wararkeenii hore ku akhrisateen dilkaasi la sheegay inuu wax ka ogaa maamulka Soomaaliland.

Gancsadahaan habeenimadii xalay lagu diley magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdi Timir, wuxuuna kamid ahaa sida wararku sheegayaan ganacsatada ugu waaweyn magaaladaasi.

Qaar kamid ah culimaa’udiinka iyo isimada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku eedeeyey maamulka Soomaaliland inuu wax ka ogyahay dilka loo geystey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Timir oo ay sheegeen inuu ahaa mid arrimo siyaasadeed ku salaysan.

Culimada iyo waxgaradka ayaa sheegay in maamulka Soomaaliland uu qas iyo isku dir ka wado magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Siyaasiyiin iyo ilo xogagaal ah oo saaka la hadlay Puntlandnews.net ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in dilka Marxuumnka uu ka dambeeyo maamulka Soomaaliland oo ka soo horjeedey muwaadinkaan oo aaminsanaa aragtida Soomaali weyn.

DEG DEG-Xiisad Culus oo Saaka Ka Taagan Magaalada Laascaanood iyo Ciidamo La Wareegey Xaafadaha Qaar.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada