Sunday 15 July, 2018

DEG DEG-Xiisad Culus oo Saaka Ka Taagan Magaalada Laascaanood iyo Ciidamo La Wareegey Xaafadaha Qaar.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad ka dhalatay Ganacsade lagu dilay xalay Xaafad ka mid ah degmadaasi.

Gancsadahaan habeenimadii xalay lagu diley magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Maxamed Cabdi Timir, wuxuuna kamid ahaa sida wararku sheegayaan ganacsatada ugu waaweyn magaaladaasi.

Maleeshiyo Hubeysan oo ka carreysan dilka Ganacsadaha ayaa Saakay lagu arkay Xaafado ka mid ah degmadaasi, maleeshiyadda ayaa u abaabulan qaab beeleed, waxaana ay sheegeen in Ganacsadaha loo dilay Aano Qabiil

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka waxaana ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigi doonaan malayshiyaadkii ka dambeeyey dilka ganacsadahaasi oo abuuray xiisad ka aloosan saaka magaalada Laascaanood.

Xog hoose ayaa sheegaysa in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen malayshiyaad Soomaaliland ku hubaysay gobolka Sool si ay qayb uga noqdaan ciidamada ay ku soo daabulayso deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidanka Soomaaliland.

Maamulka Soomaaliland ayaa ciidamo iyo malayshiyaad aad u badan waxa uu ku hubeeyey gobolka Sool, waxaana arrintaani walaac xoogan ka muujiyey beesha caalamka oo ka cabsi qabta in gobolka uu ka dhoco dagaal u dhexeeya Puntland iyo Soomaaliland iyo in hubkaasi uu Mustaqbalka sababo in beeluhu isku laayaan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada