Friday 20 April, 2018

Tababaraha Kooxda Man City Ee Pep Guardiola Oo Shaaca Ka Qaaday Wixii Uu Ku Yiri Xiddiga Paul Pogba Kadib Ciyaartii Manchester Derby

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday wixii uu ku yiri Paul Pogba kadib kulankii Manchester derby.

Xiddiga khadka dhexe ee Man United ayaa laba gool dhaliyay isaga oo City ka hor istaagay in ay u dabaal degto hanashada horyaalka premier League.

City ayaa 2/0 ku haysay hogaanka qaybtii hore ee ciyaarta laakiin Pogba ayaa laba gool ku dhaliyay 97 il bidhiqsi ka hor inta uuna Chirs Smalling dhamaystirin soo laabashada cajiibka ahaa.

Guardiola ayaa si toos ah ugu tagay Pogba kadib markii ay ciyaartu dhamaatay iyada oo kamerooyinku qabteen Tababaraha oo la hadlaya xiddiga.

Tababaraha reer Spain ayaa kulanka ka hor sheegay in loo soo bandhigay kooxdiisa saxiixa Pogba intii uu furnaa suuqa January xilli uu xiddiga khadka dhexe xiriir xun la leeyahay tababare Jose Mourinho.

Guardiola ayaa ciyaarta kadib wakhti dheer ku qaatay garoonka dhexdiisa in uu la hadlo xiddiga reer France waxana uu saxaafada u sheegay kulanka kadib wixii uu ku yiri.

“Waxa aan u tagay si aan ugu hambalyeeyo natiijada kulanka”ayuu isaga oo aan wax dheeraad ah ka shaacin hadalkii dhex maray.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada