Tuesday 18 September, 2018

AKHRISO-Dowladda Imaaraadka oo War Ka Soo Saartay Lacagtii Lagu Qabtay Muqdisho iyo Cidda Loo Wadey.

Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Osmaan Al-Xamaadi ayaa sheegay in lacagta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku qabteen Magaalada Muqdisho aysan ku socon Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Danjire Maxamed waxaa uu sheegay in lacagtaas ay tahay mushaarka Ciidamada dowladda ee ay tababarto Imaaraadka iyo Ciidamada badda ee Puntland.

Dowladda Federaalka ah ayaa shalay diyaarad sidda lacag farabadan ku qabatay Magaalada Muqdisho,waxaana lacagtaas la wareegay Dowladd feedraalka ah iyada oo lagu shubay Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Duuliyaha Diyaaradda iyo labo qof oo la socotay ayaa Ciidamada amaanka ee Garoonka Aadan Cadde u diiday in ay u sheegaan waxa saaran diyaaradda hayeeshee ciidamada la dagaallanka argagixisada ee ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa u galay gudaha diyaaradda waxaana ay baaritaan kaddib heleen Boorsooyin lacag doollar ah oo ku dhow $10Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Saraakiisha Ciidamada dowladda u hadashay ayaa iyaguna sheegay in lacagta mushaarka ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Badda Puntland aysan dhameyn $1Milyan oo doollar lacagtanna ay tahay mid ka badan.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

2 Responses to "AKHRISO-Dowladda Imaaraadka oo War Ka Soo Saartay Lacagtii Lagu Qabtay Muqdisho iyo Cidda Loo Wadey."

  1. Atoore says:

    ASC.
    Macquul ma aha in ay Mushaaro u qaataan Ciidamada la sheegay 10 malyuun oo doolar.Ayana macquul ma noqonayso lacag intaas tiro le’eg oo an loo soo sheegin maamulka ka jira xamar in ay iska soo gasho wadanka.Ciidamada soomaaliya oo dhan xattaa soomaalilaan baan qaadan 10 malyuun iyo wax u dhawtoona.Yaa la camaynayaa?

  2. axmed says:

    Somalilaan, ma qaataan buu yiri, waa lala socdaa Mushaarka woqooyi laga qaato ee waliba lacagta faalsada ah la siiyo ciidanka woqooyi ,waa 100 dooral, waana dulmi haysta shacabkaas.

Leave a Reply

Submit Comment

%d bloggers like this: