Sunday 15 July, 2018

Mohamed Salah oo Ku Guulaystay Laacibkii Bishii March ee Premier League.

Waxaa goor dhoweyd la bixiyey abaalmarinta laacibka bisha ee taageerayaasha horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska ayna ku loola mayeen Mohamed Salah Dele Alli, Heung-Min Son, Jan Vertonghen, Leroy Sane iyo David Silva.

Mohamed Salah oo hogaaminaya goal dhalinta horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxa uu ku guulaystay abaalmarintaani kadib markii uu 6 goal dhaliyey afar kulan oo uu ka soo muuqday ciyaarihii horyaalka ee Bishii March.

Waa markii afraad ee xidigga reer Masar uu xilli ciyaareedkaan ku guulaysto laacibka bisha kadib markii uu horay ugu guulaystay bilihii November, December iyo February.

RIIX HALKAAN KA DAAWO GOALASHII UU DHALIYEY MARCH

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo wax laga waydiiyey haddii Mohamed Salah safan doono kulanka ay todobaadkaan Champions League la ciyaari doonaan Manchester City, ayaa waxa uu sheegay inuu weli qiimaynayo xaaladdiisa haseyeeshee uu rumaysan yahay inuusan qabin dhib badan uuna ku soo laaban doono shaxda kooxda kadib markii uu seegay kulankii Sabtidii ee Everton.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada