Monday 16 July, 2018

WAR DEG DEG AH-Gudoomiye Jawaari oo Iscasiley iyo Mas’uuliyiin Ka Hadlay.

War deg deg ah oo goor dhoweyd naga soo gaarey xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu is casiley gudoomiyihii xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanada u sheegay iscasilaadda gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ay dhowaan mooshin ka keeneen in ka badan 100 xildhibaan ayaa waxa uu codsaday inuu khudbad ka jeediyo kulan ay yeelan doonaan xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ee maalinimada Arbacada.

Dhinac kalena, ildhibaan Cabdirashiid Daahir  Gaboobe oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u sheegay  Idaacadda Mustaqbal in Maxamed Sheekh Cismaan Jawarai uu is casilay.

Xildhibaan Gaboobe ayaa sidoo kale sheegay in mooshinkii laga waday jawaari uu halkaas ku dhamaaday islamarkaan Xildhibaannada ay heystaan 15 Cisho oo ay ku soo doortaan Guddoomiye cusub.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Xildhibaannada oo saaka kulmay uu warqadda is caasilaadda Guuddoomiye Jawaari u aqriyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/Wali Sheekh Muuddeey,sidaasna ay ku kala tageen XIldhibaannada.

Dhinaca kale Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa batriisa Twitter-ka ku sheegay in uu is casilay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada