Monday 16 July, 2018

XOG HOOSE-Waa Kuma Shaqsiga Ka Dambeeya Iscasilaadda Gudoomiye Jawaari+Kalmaddii Lagu Yiri.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu yahay shaqsiga ku guuleystay inuu ka dhaadhiciyo Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inuu iscasilo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo inta ay xiisada socoto dhowr jeer kulamo goon gooni ah la yeeshay Guddoomiyihii Golaha shacabka ayaa inta badan waxay kusoo dhamaanayeen is faham waa iyo muran, waxaase ugu dambeyn ay isla garteen si xalka xiisadan loo helo inuu xilka ka dago Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ka dalbaday inuu badbaadiyo dalkan iyo dadkan, hadii xaalka sidan usii cakirnaado waxaa burbureysa dowlada taasoo keeneysa in dalka qalqal siyaasadeed iyo amni uu galo, taasoo sababi karta in shacab badan ay dhibaato kasoo gaarto.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya si xushmad ku jirto ugu dambeyn ugu sheegay hadii xalka dalkaan uu isaga iscasilaadiisa ay ku jirto inuu xilka baneynayo.

Si kastaba ha ahaatee qaar ka mid ah Xildhibaaada Baarlamaanka iyo Wasiiradda Xukuumadda Kheyre ayaa talaabada uu qaaday Jawaari ku sheegaya mid geesinimo leh.

Nagala xariir Email Info@puntlandi.ca ama Puntlandi2018@gmail.com

Halkaan Ku Qor Fikradaada

Fasax Fikradaada